Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda ayaa ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada ay dowladdu ku bixisay kor u qaadidda adeegyada waxbarashada dalkeenna, iyada oo la mideeyey manhajka Qaranka, dibna loo soo celiyey waxbarashadii aasaasiga ahayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay Guddoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda warbixin ku saabsan fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalkaas, caqabadaha iyo talooyin ay qabaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

Sidookale, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Uganda Mudane Cabdimaajid jaabir Salaad ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Dowladda ay uga go’an tahay baahinta adeegyada waxbarashada dalka, waxa ayna soo bandhigeen in ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.