Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo 179 maxbuus cafis u fidiyey munaasabadda ciidda awgeed

asluub

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiga dhaxe iyo xabsiga MBC ee Ex-koontarool Afgooye ka sii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo, kuwaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda Awgeed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu ka yimid codsiga ah in maxabiista daruufaha fudud u xiran qiimeeyn gaar ah loo sameeyo, isla markaana munaasabadda ciidda awgeed laga cafiyo dambiyada yaryar oo ay ku jiraan xukunada.

Gaashaanle Sarre Cabdiqani Maxamed Qalaf Afhayeenka Ciidanka asluubta ayaa uga mahadaceliyay xafiiska xeer ilaalinta dadaalka ay ku bixiyeen siideynta maxaabiista daruufaha fudud u xiran.

Qaar ka mid ah maxaabiista cafiska Madaxweyne lagu siidaayay ayaa tilmaamay inay aad ugu farxeen inay dib u heleen xoriyaddooda ay la midoobayaan eheladooda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maxabiista kula dar daarmay in ay bulshada kula laabtaan macaamil wanaagsan, cafiska la siiyayna kaga faa’iideystaan in aysan dib ugu laaban waxkasta oo keeni kara xabsi.

Albaabada xabsiyada MBC iyo Xabsiga dhaxe ayey ka baxeen iyaga oo wajiyadooda ay farxad ka muuqato, waxaana farxada ciidda ay la qaadanayaan eheladooda, ayada oo laga cafiyay dambiyadii fududaa oo ay xabsiga ugu jireen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.