Video+Sawiro:Duqa Muqdisho oo kormeeray degmooyin ay ka socdeen howlo nadaafadeed

cumarfilish

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku tegay degmooyin ay ka mid yihiin Kaaraan, Yaaqshiid, Howlwadaag iyo Warta Nabada.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada ugu kuurgalayay saameeynta uu roobka u geestay bilicda Caasimadda iyo howlaha Nadaafadeed oo ay maamulada Degmooyinka gobolka Banaadir ka wadaan magaaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay waaxda Nadaafadda dowladda Hoose ee Xamar inay dar dargeliyaan bilic soo celinta Caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.