Daawo:Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray goobaha laga qaadayo ciidamadii dhawaan soo galay Muqdisho

rooble

Ra’iisiul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray howsha lagu furayo ciidammada looga qaadayo qaar ka mid ah jidadkii ku xirmay qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaqangelinta heshiiskii nabadeynta caasimadda ee shalay lagu gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaarha ayaa tagay meel aan sidaa uga fogeyn isgoyska dabka iyo Isgoyska Mirinaayo, si uu indhihiisa ugu soo arko howsha ciidanka iyo carrada looga qaadayo goobahaas muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga caasimadda lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay taliyaha guud ee booliska inay gutaan mas’uuliyadda ka saran sugidda ammaanka caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.