Wasiir Bayle oo kulan la qaatay xubno katirsan Bangiga Hormarinta Afrika

Bayle

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan dhinaca Khadka Internetka ah ee Aalada  Zoomka) waxaa uu kula qaatay xubno katirsan Bangiga  Horumarinta  Afrika iyo  Bangiga Adduunka.

Qoraal uu Wasiirka soo dhigay  Barta twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay labada dhinac ay ka wada hadleen  dib-u-habeynta dhaqaalaha  Dalka.

“Waxaan ka wada hadalnay dib-u-habeynta dhaqaalaha  Soomaaliya iyo taageerada Bangiga,Bangigu wuxuu leeyahay ama uu sii wadaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha ayuu yiri” Wasiir Beeyle.

Xubno katirsan Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhankooda waxaa ay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda  Soomaaliya  la wadaaegeen tallooyin ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.