Madaxweynaha Laftagareen oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Koonfurgalbeed

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Munaasabada 1da may oo ah Maalinta Shaqaalaha Aduunka awgeed waxa uu hambaliyo udirey dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xoogsatada Koonfur Galbeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag.

Waxaan xoojinaynaa sidii dhalinyareeda loo kordhin lahaa sidii loo shaqaalaysiin lahaa loogana faaidayn lahaa sidii ay uga mid noqon lahaayeen shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa caddeeyay ahmiyadda ay shaqaalaha Koonfur Galbeed ay u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, iyo ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro Dowlad dhisidda Soomaaliya, waxa uuna qiray in shaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maadaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo Geedi socodka Dowladnimada Koonfur Galbeed.

1-da May maanta oo kale dunida oo dhan waxaa loo dabaal degaa maalinta shaqaalaha aduunka, iyadoo looga hadlo muhiimadda shaqaalaha, dhibaatooyinka soo wajaha iyo xuquuqdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.