Ra’iisul Wasaaraha oo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay guryahooda kusoo noqdaan

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda.

Qoraal ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayuu ku faray Ciidamada Amniga in Shacabka ay u fududeeyaan inay guryahooda iyo goobahooda Ganacsi kusoo laabtaan.

Mudane Rooble ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Xukuumadda Soomaaliya uga Go’antahay in dalku uu helo nabad iyo Xasillooni.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helaan Nabad iyo xasillooni” sidaas waxaa lagu daabacay barta uu Facebook ku leeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.