Barlamaanka Soomaliya oo Bari ka doodaya mooshin laga keenay arimaha doorashada

mursal

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beri oo Isniina kulan ku yeelan doono xaruntooda Villa Hargaysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa Ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka. Waxaana kulankaas shir gudoomin doona Gudoomiyaha Golaha Shacabka, sida qorshuhu yahay.

Fariinta loo diray xildhibaannada ayaa ayaa sidaan u qornayd.

“Mudane Xildhibaan Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka Saacadu waa 09:00 subaxnimo.”

Kulankaan ayaa yimid xilli maalmihii lasoo dhaafay lagu kala tagay shirkii u dhaxeeyey Madaxda Dowlada iyo Maamul Goboleedyada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.