Sawiro:Bulshada Cadaado oo maanta isugu soo baxay salaad Roobdoon ah

masjid

Bulshada Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta iskugu soo baxay salaad Alle looga baryayo in uu siiyo roob khayr qaba kuleylkana uu ka qaado.

Sedex maalin kahor ayay ahayd markii maamulka degmada Cadaado uu shaaciyay in maanta la tukanayto salaadda roob-doon ah oo hal meel lagu wada dukado.

Culumaa’udiinka qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si isku mid ah uga soo qeyb galay dukashada saladaan roob-doonka ah, iyadoo dadka qaarkood ey soomanayen sedexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Shiikh Maxamed Khani oo kamid ah culimada magaalada Cadaado ayaa dadka ku waaniyay  in ay Allah u toobad keenaan iskuna samraan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaah Cabdiraxmaan Tootole ayaa ugu dambeyn dadka deegaanka ugu baaqay iney ka fogadaan waxyabaha maanka dooriya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.