Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ku guuleystay 98% doorashada Jabuuti

Ismaciil

Doorashadii Shalay oo Jimco ah ka dhacday Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku guulaystay Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan isagoo ku suga xarunta ugu weyn ee tirinta codadka ee magaalada Jabuuti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.