Sawiro:Waraada Arimaha gudaha oo qabatay Shir ka dhana Axmed Madoobe

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula  qaatay Odayaasha Dhaqanka Beelaha dagga  Jubaland  iyo siyaasiyiin ka soo jeeda  Dowlad Gobolkeedka Jubbaland.

Odayaal dhaqameedka iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxaa ay caddeeyeen in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubbaland, Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubbaland.

Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ka dhageeystay cabashooyinka ay soo gudbiyeeyn  odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta ku wehliyay kulanka ay la qaateeyn Wasiirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.