Sawiro:Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray deegaanno dhawaan ay la wareegeen ciidamada xoogga

qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa maanta kormeeray furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo Samareeb kaga beegan jahada koonfureed, si uu ugu bogaadiyo Ciidamada Dowladda Federaalka guulaha ay kasoo hooyeen Howlgallo maalmahan socdey oo lagu xoreeyay deegaanadaaasi Argagaxisadu dhuumaaleysiga ku joogtay.

Madaxwaynaha Galmudug oo ay wehliyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa sida Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha Deegaanadaasi qabtey ku tilmaamey geesiyaal looga fadhiyo in ay hore u sii wadaan howlgalladooda ilaa laga gaaro dhulka fog ee xeebaha ku teedsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.