Sawiro:Gudoomiye Cumer Filish oo kulan laqaatay Bulshada Degmooyinka shangaani iyo Cabdacasiis

Cumar

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqodisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) kulan la tashi ah galabta la qaatay  Bulshada Degmooyinka Shangaani iyo Cabdacasiis.

Kulankaan oo ahaa wada tashi iyo is dhagaysi uu Guddomiyaha Gobolka ka dhageestay isagoo ka jawaabayay su’aalo toos ah oo ay ka qaybgalayaasha kulanka weydiinayeen.

Dad-weynihii ka soo qayb galay kulankaan ayaa wax ka weydiinayay Duqa Magaalada Arrimaha adeegyada Bulshada, dib u dhiska iyo shaqa abuurka Dhallinyarada, iyadoo Duqa Magaalada ow la wadaagay qorshayaaha Gobolka ee ku aadan wax ka qabashada soo jeedimaha shacabka degmooyinka shangaani iyo Cabdacasiis.

Kulamada nuucaan oo kale  ah ayuu Maamulka Gobolka Bananadir ugu tala galay in fursad loo siiyo shacabka inay si toos ah ula hadlaan Madaxda heer Gobol iyo heer Degmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.