Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Baydhabo ku geeriyooday

Boonoow

Allah u naxariistee, waxaa saaka magaalada Baydhabo ku geeriyooday xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka, sida ay xaqiijiyeen ehelada xildhibaanka.

Xildhibaanka Maxamuud Boonow waxaa uu sidoo kale ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda  amniga gudaha xukuumaddii Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu wasiir ka soo noqday dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamauud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.