Sawiro:Xukuumadda Soomaaliya oo agab iyo daawo gaarsiisay magaalada Garbahaareey

Wafdi ka socday Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka caafimaakda Soomalaiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garbahaareey ku soo dhaweeyay Maamulka magaalada, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana loo galbiyaay isbitaalka Jaalle Siyaad oo ah halka lagula tacaalayo bukaanada uu hayo cudurka COVID-19.

Qalab isugu jiray daawo iyo agab loogu talagalay la tacaalidda COVID-19 ayey dowladdda Soomaaaliya gaarsiisay magaalada Garbahaareey, waxaana Wasiirka iyo Dhakhaatiirta la socotay ay ukuur galeen sida uu shaqeynayo xarunta COVID-19 iyo bukaanada ku jira xaaladooda.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxa ay dhakhaatiirta Isbitaalka iyo shaqaalaha safka hore kaga jira la dagaallanka cudurkaan ay siiyeen tababaro kooban oo la xariira sida loo isticmaalo qalabkaan dadkana looga baaro xanunka COVID-19.

Wasiir ku-xigeenka ayaa mid ka mid ah waxgaradka magaaladaasi u sameeyay baritaankii ugu horeeyay, kaasi oo natiijada isla goobta loogu sheegay in uu ka cafimaad qabo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda cafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin “Dr Gureey” ayaa xusay in deeqda ay gaarsiyeen magaalada ay tahay mid loogu talagalay in wax loogu qabto bulshada ku dhaqan magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Maamulka iyo waxgaradka magaalada Garbahaareey ayaa ka mahadceliyay sida Dowladda uga jaawaabtay dhibaatada uu cudurka ku keenay, ayada oo saacadahii lasoo dhaafay ay dad ugu geeriyoodeen magaalada.

Cabdiqani Sheekh Cali Diini iyo Dr Shaafici Aadan Dirir ayaa qurba joogta iyo ganacsatada ugu baaqay in ay gurmad la gaaraan isbitaalka iyo bulshada gobolka Gedo oo wajahaya xaalado ay sababeen abaaro iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka cafimaadkaada Axmed Xuseen Macalin Gureey ayaa xariga ka jaray Xarunta hooyada iyo dhallaanka ee xaafadda Waabari magaalada Garbahaareey, taasi oo ay hirgalisay gabar Soomaaliyeed.

Wasiirka ku-xigeenka Caafimaadka Dr Axmed Xuseen Macalin Dr Gureey ayaa sheegay in Wasaaradda cafimaadka ay garab istaagi doonto xaruntaan, asaga oo ka codsaday bulshada in ay ka shaqeeyaan horumarka magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.