Sawiro:Ciidamdo Ka Tirsan Gorgor oo Tababar loogu qaaday Turkiga

ciidan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7aad ee Kumaandooska Gorgor oo tababar ku soo qaadanaya Dalka Turkiga .

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaaliya  muhiimad gaar ah siisay dib-u-dhiska Ciidamada qalabka Sida .

“Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayaad u soo tababaraneysaan, Ciidan Qaran ayaad tihiin , waxaan idiin rajeynayaa in dalkiina aad ku  soo noqotaan idinkoo cilmi iyo aqoon soo kororsaday, Dowladda Turkigana waan ugu mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah ee ay Dowladeenna la garab taagantahay”.   ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya  Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.