Ra’iisul wasaare Rooble oo haweenka ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee 8 Maarso

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo ku aaddan maalinta caalamiga ah ee Haweenka adduunka, u diray haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dhismaha qaranka, daryeelka bulshada iyo badbaadin bulshada oo door wax ku ool ah ay ka qaataan, dowladduna ay xaqiijinayso ilaalinta qoondooda 30%.

“Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso awgeed, Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo aan uga mahadcelinayo kaalintooda nafhurnimada,kartida, hagar la’aanta iyo daacadnimada ku saleysan ee ay kaga jiraan dhismaha qaranka & dhan kasta oo nolosheenna ah”.

Eng. Rooble ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna aqbalayn tacadi lagula kaco haweenka Soomaaliyeed, una taagan tahay ilaalinta xaquuqdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.