Xukuumadda oo ogolaatay inay bananbaxaan Siyaasiyiin ay Taageerto Puntland

xasanshiiq

ukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka Qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Istaadiyoom si loo xaqiijin karo habracyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.

Ugu dambeyn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaaharaadku inay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada Afxirka iyo kala fogaanshiyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.