Sawiro:Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed oo gaaray Caleen

ugaasmaxamed

Ugaas Maxamed ugaas axmed iyo xubno kale oo Dhaqan ah oo ugaasku Hogaaminaayay ayaa Santarka Caleen degmada shilaabo ee Gobalka Qoraxay Gaaray.

Waxaana Waftiga Ugaaska Santarkan ku soo dhaweeyey Xubno ka Tirsan maamulka degmada shilaabo Hogaanka dhaqanka Bulshada degto santarkan. Bulshada Deegaanka.

Iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku Sugan deegaankaas.Ujeeda socdaalka Waftigan ayaa ahayd Nabadaynta iyo ka tacsiyayta Shaqaaqo Qof ku dhintay oo ka dhacdey deegaanadaas iyo in Laga Hortago Dilal dakanooyin Qabiil ah oo dhexmaro ood wadaagta ehelkana ah ee deegaankana wada dego.

Waxaana Kulan ka dhacay Santarkan dhinacyadu isku afgarteen Adkaynta Nabada deegaanka oo Sal u ahayd Kulankan ka dhacay Santarka Caleen ee degmada shilaabo.

Dhaqanka dhinacyadan oo ay kala Hogaaminayeen ugaas ugaas axmed ugaas faarax iyo Ugaas ibraahim ugaas Cabdulaahi ugaas yaasiin Ayaa Ku Balamay Qabashada Kulan wayne looga Hadlaayo dhibkii dhacay iyo ka Xaalistii oo lugu Qabanaayo Qaballaha Fadhi-garaadle santarka laasacaanood degmada shilaabo ee Gobalka Qoraxay.

📷wariye Siciid Cabdi Maxamed

ugaas
itoobiya
Ugaas Maxamed ugaas axmed iyo xubno kale oo Dhaqan ah oo ugaasku Hogaaminaayay ayaa Santarka Caleen degmada shilaabo ee Gobalka Qoraxay Gaaray.
ugaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.