Madaxwayne Mustaf Cagjar iyo Wasiirka gadiidka itoobiya oo xariga xarun Terminal Wayn

mustafe

Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar iyo Wasiirada wasaarada Gaadiidka Itoobiya ayaa daah furay wajiga 1aad ee mashruuca xarunta boosteejada {terminalka} gaadiidka xamuulka Dawanle, Boosteejadan oo ah xarun nasasho oo loogu talo galay inay adeegsaan gaadiidka xamuulka waaweyn u kala gudbiya labada dal ee itoobiya iyo jabuuti ayaa waxaa fulisay wasaarada gaadiidka itoobiya.

Mashruucan oo ka kooban 5 waji ayaa wajigiisa 1aad waxaa lagu dhamays tiray mudo 6 bilood ah.Madaxwaynaha DDS mudane mustafe muxumed iyo wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI ayaa xadhiga ka jaray dhamaystirka wajiga 1aad iyo bilawga shaqo galka mashruucan boosteejada Ee sugitaanka baabuurta xamuulku ku sugayaan kala horeynta xamuulka ay dakada jabuuti kasoo qaadayaan.

Mashruucan oo guud ahaantii ay ku baxayso aduun lacageed oo ka badan 71,249,733 birr Kana koobnaan doono qaybo kala duwan ayaa dhulka uu ku fadhiyo wuxuu dhan yahay 9000 oo hictar iyadoo halkii marana ay istaagi doonaan 500 gaadhi oo kuwa xamuulka ah.

muhiimada ugu wayn Ee loo dhisay mashruucan ayaa ah in lagu kala horo gaadiidka dakada jabuuti kasoo qaadaya xamuulka,Oo aan lahayn hada ka hor meel ay ku sugaan inta Tarahoodu ka gaadhayo.

Madaxwaynaha DDS Mudane mustafe muxumed cumer oo xaflada daahfurka ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid muhiimad balaadhan u leh dalka laguna yarayn doono culayska gaadiidka badan Ee aan haysanin meel ay ku sugaan rarka ay kasoo qaadayaan dakada jabuuti.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka JDFI Dagmawit Moges ayaa dhankeeda sheegtay in dhismaha Terminalka laga dhisay dawanle oo ka tirsan degmada ayshica Ee gobolka sitti uu yareyn doono waqtiga ay ku qaadaneysay gaadiidka xamuulka ah sugitaanka dekada iyaga oo aan horey u haysanin meel sugitaan ah oo gaadiidka ay dhigtaan.

Xaruntan ayaa dhinaca kale waxaa fursado shaqo iyo suuq ganacsi ka heli doona bulshada degmada ayshica.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.