Wasaarada Arimaha Gudaha oo Ka Soo Horjeesatay Guddiga Doorashada ee ay Magacaabeen Deni iyo Axmed Madoobe

axmed madoobe

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay xubnaha guddiyada maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee ay shaaciyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa lagu qaaddacay labada liis ee ay soo saareen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, waxayna wasaaraddu sheegtay in xubnaha lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo aan la waafajinin hannaankii lagu heshiiyay.

Warqad kasoo baxday wasiirka oo lala wadaagay madaxweynaha dowladda federaalka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo diray labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, sidan ayeyna u dhigneyd:

“Heshiiskii Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaadheen magaalada Muqdisho 17-kii bishii September, 2020, oo ay meel mariyeen Golaha Shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajirka ah loo saxiixay 1-dii October, 2020, waxay qeexayeen hannaanka lagu magacaabayo guddiyada heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

“Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta midkoodna sooma gaadhin qoraal rasmi ah oo ku saabsan magacaabista Guddiyada Dowlad Joboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxay mar kale ku celineysaa in guddiyada ay shaaciyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hannaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.