Sawiro:Dowladda Soomaaliya oo deeq raashiin ah gaarsiiyey degmada Xuddur

diyaarad

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool oo dhawaanahaan ay ka jirtay xaalad beni’aadanimo ayaa waxaa gaarey 7 diyaaradood oo sida gargaar raashin ah oo gaaraya 49 tan kaas oo ay ka faa’ideysanayaan dadka danta yar.

Kusimaha guddoomiyaha degmada Xuddur Mustaf Aadan iyo guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Bakool Maxamed Cabdiraxmaan Cismaan ayaa balanqaaday in gargaarkaan lagaarsiinayo dadka ku haboon ee loogu talagalay.

Agaasimaha madaxtooyada koonfurgalbeed Cabdulaahi Cali Watiin ayaa umahadceliyey dowladda iyo cidkasta oo gacan ka geysatay deeqdaan xuddur soo gaartay.

Wasaaradda gargaarka, maareynta iyo masiibooyinka, ganacsato Soomaaliyeed, Jaaliyadda iyo Sanator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa kaalin mug leh ka qaatay deeqdaan 49 tan ah ee Xuddur gaartay, waxana jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisey qaylo dhaantii maamulka iyo shacabka reer koonfur galbeed gaar ahaan gobolka Bakool, wax kabedeli doontaa nolosha qoosaska danyarta ah ee ku nool magaalada Xuddur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.