Amniga Beledxaawo oo Xasiloon kadib dagaalkii Shalay kusoo Qadeen Axmed madoobe iyo Janan

baladxaawo

Xaaladda degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta xisiloon ka dib markii shalay dagaal ay ku soo qaadeen maleeshiyaad laga soo abaabulay dal shisheeye sida Kenya kuwaas oo iska caabin xooggan iyo fashil kala kulmay ciidanka xoogga dalka.

Waxaa dib loo furay Goobihii ganacsiga iyo meelihii kale ee adeega ka hrli jireen Bulshada Beledxaawo Sida Xawilaadaha, goobaha Caafimaadka iyo kuwa kale oo badan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, kuwaas oo ay si aad ah u soo dhoweeyeen dadka shacabka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii fashilmay ee maleeshiyada Kenya soo hubeysay ku soo qaadeen magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.