Daawo:Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in la qabtay Dhalinyaro 200 ku dhow oo tirsan ciidamadii Axmed madoobe

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa shaaciyay in ciidanka xoogga dalka ay soo afjaareen duulaan ay xalay saqdhexe Beladxaawo ku soo qaadeen ciidamado ka tirsan dowladda Kenya oo garab siinaya falaago hubeysan, kuwaasi oo doonayay inay magaalada qabsadaan.

Wasiir Dubbe ayaa xusay in jab xooggan loo geystay, isla markaana gacanta lagu dhigay ku dhawaad 100 ka tirsan falaagada la soo qalday ee duulaanka ku soo qaaday Beladxaawo, isagoo intaa ku daray in si buuxda ay imuinka gacanta dowladda ugu jirto goobihii xalay la soo weeraray.

“Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa jilbaha u dhigay jabhadda falaagada ah ee duulaanka xalay ku soo qaaday Beladxaawo, waxaana shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa in laga adkaaday kuwii duulaanka soo qaaday” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tilmaamay in xeerarka caalamiga ah uu diidayo in la soo bandhigo maxaabiista la qabtay.

“Ku dhawaad 100 qof ayay ciidanka gacanta ku dhigeen, balse inaan soo bandhigno waxaa noo diidaya xeerarka caalamiga ah ee dhanka maxaabiista” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa ku daray “Ciidanka xoogga dalka waxa ay xilli kasta u diyaarsanaayeen weerarkasta oo kaga yimaada dhanka cadowga, sidaas ayayna uga guuleysteen, iyagoo gacan ka helaya shacabkooda Soomaaliyeed”.

Wasiirka Warfaafinta mar uu ka hadlayay qasaaraha ka dhashay dagaalka marka laga soo tego jabka loo geystay jabhadda falaagada ah iyo ciidamada Kenya, ayaa sheegay in shacabka ay qasaaro ka soo gaartay oo ay ku dhinteen Hooyo iyo shan carruur ah oo ay dhashay, isagoo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay qasaaraha shacabka ka soo gaartay duulaanka Soomaaliya lagu soo qaaday.

“Ciidamada Kenya iyo falaagadii la socotay waxa ay bilaabeen markii dagaalka dhulka looga adkaayay inay bartilmaameed ka dhigtaan shacabka iyo goobaha ganacsiga, taasi oo keentay in madaafiicdii ay soo tuurayeen ay ku habsatay Hooyo iyo shan carruur ah, ujeedkuna ahaa inay bur buriyaan xarumaha ganacsiga, dowlad ayaana dabada ku wadatay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa xusay in falaagada ay ku dhuumaaleysatay dabaqa Hormuud, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha Kenya ay ku bartilmaameedsaneyso inay ku bur buriso goobaha ganacsiga.

Wasiirka ayaa baaq u diray wiilasha Soomaaliyeed ee la qalday inay isu soo dhiibaan gacanta dowladda oo aysan markale dhicin in la qaldo.

“Isma dhiibeyno dalkan ayaa difaaceynaa, hal taako oo dalka ka mid ah ma dhaceyso in falaago duulaan ay ku soo qaaddo, hub fara badan ayaan gacanta ku dhignay baaritaano ayaa noo socda oo ah inaan ogaano halka ay ku socdeen iyo cidda soo dirtay” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.