Sawiro:Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Taliska ciiidanka Cirka Soomaaliyeed

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay taliska ciidanka cirka xoogga dalka Soomaaliyeed.

kormeerkaan shaqo ee uu Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadd Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ku tagay taliska ciidanka Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Afisooni ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda ay ku suganyihiin ciidanka Cirka iyo baahiyaha ay qabaan .

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidankaCirka Soomaaliyeed  waxaana uu ka dhageestay warbixin la xiriirta  xaaladda ciidanka Cirka.

Taliyaha ciidanka Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay warbaahinta ka dib kulamadii ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu sheegay in Taliska ciidanka Cirka ay ku faraxsanyihiin booqashada uu maanta ugu yimid Wasiirka Difaaca.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmamay in ay ka go’antahay  tayeenta iyo horumarinta guud ahaan ciidanka xoogga  dalka  Soomaaliya, waxa uu xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga  ay ku guuleysatay dib-u-habeynta ciidanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.