James Swan iyo Wafti uu Hogaaminayo oo ku Wajahan Galmudug

james

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Aaxd ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Socdaalka James Swan ayaa waxaa ku wehlin doona xubno kala duwan oo ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona saacadaha soo socda ka amababixi doona sida uu qorshahu yahay Magaalada Muqdisho.

Ujeedka safarka Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula yeelan lahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha Doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.