Daawo:Ra’iisul Wasaare Rooble oo waqti la qaatay Agoonta Booliska

rooble

’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Caruurta Agoonta ee Booliska, halkaas oo uu waqti kula qaatay carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisalwasaare Rooble oo mid mid u gacan qaaday agoonta   ku nool xarunta, lana qadeeyey ayaa ka waraystay xaalkoodu, daryeelka iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in agoontu ay u baahanyihiin taageero iyo is garab istaag, isla markaana ay dowladdu mar walba diyaar u tahay sidii ay caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Waxaan mar walba u taagannahay gacan siinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay kaalintooda maamulka gacanta ku haya xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed, waxuna kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan barbaarinta iyo waxbarashada agoonta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.