La Baratan Lana Kala Badi

cabdiilay

Waxa isu-faanay ina Iley iyo ina Islaan (Axmed Madoobe). Waxaa la’isku qabtay anaa ka xukun fiican iyo anaa ka xukun fiicnaa Waxaa lagu heshiiyey in nin kasta ee labadooda ka mid ahuba soo bandhigo wixii uu wanaajiyey iyo wixii uu bi’iyey, waxaa hadalkii ku hor maray Ina Iley wuxuuna u hadlay sidaan:-

Waxaan ku xumaa:-

  1. Dadkaan been iyo runba ku xixiri jiray………………………. wuxuu taas ku helay……………-1
  2. maxaabiistaan garaci jirey………wuxuu taas ku helay…………….. -1.
  3. Qaddiyadda gobonnima-doonka ah ayaan si xun uga soo horjeedey waxuu taas ku helay……..-1.
  4. Waxaan ciqaabi jiray dad aan waxba galabsan (aano qaraabo darted) =…………………………. -1.

Waxaan ku fiicnaa.

  1. Rajiimkii aan ka tirsanaa daacad Ayaan u ahaa…………………..wuxuu taas ku helay……………. +1.
  2. Waligey dawlado hisheeye oo waliba jiritaanka qarankeyga neceb uma jaajuusin………….. +1.
  3. Tuula kasta oo maamulkeyga hoos timaadda (inta badan) waxaan ka sameeyey horumar… +1.
  4. Xuduudkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan waligiis la gaarin Ayaan soo xiray…. +1.

Ina-Iley wuxuu helay 4-4=0           

Waxaa hadalkii qaatay  Axmad Madoobe wuxuuna u hadlay sidaan:-

Waxa aan ku xumahay:-

  1. Dadka anigubaa waa leyn jirey waliba waxaa jirtay, waagaan maxkamadihii u dagfaalaayey in aan 6 nin oo dhaawac ah Isbitaalka Bu’aale kala baxay oo dhagta dhiiga u daray. Dhacdadaasu waa tii u horresey una dambeysey ee dalka Soomaaliya ka dhacday inta la ogyahay (bukaan la gowraco) Waxuu taas ku helay …….…………………………………- 2.
  2. Waxaan aad u xiiseeyaa in aan dalal shisheeyey kala shaqeeyo sidii dalkayaga loo dumin lahaa-1.
  3. Dhagahaan ka furaystaa amarada dhawladda dhexe, xataa saraakiisha  shaqada u socota Gegida Dayaaradaan ka ceshaa, Dawlad Goboleed-yadana shir Federalka lagu dhibaateynayaan Kismaayo ugu qabtaa………………………………………………………………taasna wuxuu ku helay…-1.
  4. Dhirtii juubooyinka ku tiilley 70% dabkaan saray (aniga, shabaabka iyo askarta kiinyaanka ayaa qaybsada, tiro ka saddex jeer ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Middoobey go’aan ka soo saareen in dhuxusha la joojiyo, Dawladda Federaalka ahna warkeeddaa, yaase dheg-u-jalaqsiinaya (ciidanka kinyaa ku madsan)

 tasna wuxuu ku hela…………………………………………………………………-1

  1. 2 jeer ayaan xilka soo qabtay, markii saddexaad waa u halgamayaa mar quraana la iima dooran si xalaal ah. Markasata waxaan ku malxalanaayey nin reer Gadod ah oo makaciisu (H) ka bilowdo. Waxaan ahay ninkii 1aad, ee siyaasad ku malxashay (sida naag la furay) taasnsa waxuu Taas ku helay …………………………………….-2.
  2. Waligay geyiga aan xukumo wax horumarha kama samayn habayaraatee haddana uma ciilqabo  taasna wuxuu ku helay……………………………………………………………………….……….-2.
  3. Waxaan haystaa ciidan xoog leh, oo Kiinyaatigu mushaarka iyo hubka`siiso (lacagta dhuxusha), Imaaradkuna gaadiidka dagalka iyo wax kale oo aana sheegayn bixiyaan
  4.  laakiin maxaad ku falaysaa. Afarta gees ee magaalada shaabab ayaa ku hilbo qalanaaya. Haddaad iweydiiso su’aasha ah, maxaa ciidanka xoogga badan ee aad-haysato kuu tarayaa, haddii aadan shabaab kula diriin, waxaan kaa leeyahay shabaab iyo anigo wax islama waayeyno, waxaana jira wax badan oo naga dhexeeya kaba soo qaad dhuxusha, taasna wuxuu uhelay…………………………………………………………..………………….…..-1
  5. Meelaha Kismayo ka baxsan xitaa Afmadow dan weyn kama lihi marka laga reebo dhirta jirridda waaweyn ee dhuxusha laga jaro, taas oo naas-irmaan ee ah. Taas waxaa daliil u ah markii Juubooyinka fatahaaddu ka dhacday, meeshaan gurmad iyo qaylo-dhaan isku dari lahaa, waxaan safar la tashi u aadayy dalka Itoobiya oo aan gacaan saar hoose leenahay (rajiimkii hore) ……..…2
  6. Waxyaaba kale ee aan la tirin Karin sida:- burburinta guryaha dhisan, la wareegidda dhulka bannaan, talxiilka xildhimaannada, isimada iyo muwaadiniinta kale intaasna wuxuu ku helay…-3

Waxa aan ku fiicnahay.

  1. Marka madaxda saree isu timaaddo, waxaan ku hadlaa, hadalka u-wanaagsan mana fuliyo…….+1

INA ISLAAN wuxuu helay. -15+1=-14.

Ina-ILEY intuu dhamanada qabsaday ayuu ku qawlay:- illee cid iga xun ayaa jirta.`

Ina islaan intuu dhoolla-caddeeyey ayuu ku qawlay:- Alxamdullila, haddii ayna jirin dawlad xoog leh oo i-xiri karta.

Waaa hindisey Wax-badan oge.

19/01/21

Fg. Qofkii og wax intaas been ka ah ha soo qoro, haddii kale Axmed Madoobe ha laga samro.

Waxaa qoray waxban oge

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.