Sawiro:Wasiiro ka tirsan Dowlada oo booqday goobaha uu ka socdo Barnaamijka Is-xilqaan

wasiir

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax, Wasiirka Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyenta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta dhismaha Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta kormeeray dhismayaasha adeegga Qaranka ee uu ka socdo dib u dhiska Barnaamijka Is-xilqaan.

Ujeeddada kormeerka ayaa la xiriirtay dardar-galinta Barnaamijka Is-xilqaan iyo dhameystirka dhismayaasha dib loogu dhisayo xarumaha danta guud, sida u sheegay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta dhismaha Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Inta kormeerka lagu jiray waxaa Wasiirrada iyo maareeyaha Wakaaladda Hormarinta dhismaha ay booqdeen Guriga Hooyooyinka oo dib u dhiska uu ka socdo, Madxafka Qaranka iyo Madbacada Qaranka oo iyaguna gabagabo la-marsiinayo.

“Waxaan xaqiijinaynaa inay naga go’antahay dardar-gelinta barnaamijka Is-xilqaan, sababta kormeerkeena ayaana ah in la qiimeeyo halka ay wax marayaan lana dardargaliyo sidii lagu dhammeystiri lahaa dhismayaasha qabyada ah oo guriga Hooyooyinka uu ugu horreeyo.” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyenta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali).

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa dhankiisa sheegay inay Dawladda dadaal galisay sidii dib loogu dhisi lahaa xarumaha adeegga Qaran oo is beddel lagu gaaray, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay xoojiyaan doorkooda dib u dhiska xarumahan.

“Shaqaalaha Dawladda door muuqda ayay Barnaamijkan muhiimka ah ka qaateen, waxaana xaqiijinaya inan diyaar u nahay dhammeystirka goobaha uu hadda dhismaha ka socda, waxa loo baahanyahay ayaa ah inan wadajir u labo jibbaarno dadaallada socda ee dib u dhiska dalka.” ayuu ku daray Wasiir Duraan.

Is-xilqaan waa barnaamij wax-qabad oo gogol-xaar  u  ah  soo bandhigidda  wax-qabad  taabbo  gal  ah, iyadoo ujeeddadu tahay in dib loogu dhiso dhammaan dhismayaasha Qaranka iyo bulshada u adeegaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.