Daawo:Ra’iisul Wasaare Rooble oo go’aansaday hirgeelinta doorashooyinka dalka.

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay dadaalkii uu ku bixiyay sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaashaha ku saabsan arrimaha doorashooyinka ee ay qabeen qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.