Maleeshiyaadkii Wasiir Janan oo baneeyey xeradii ay ka daganaayeen Mandera

Janaan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mandera ee dalka Kenya sheegaya maleeshiyaadkii wasiirka Amniga Jubbaland inay ka guureen xeradii ay ku haysan dowlada Kenya ee magaalada Mandera.

Ciidamadii Wasiir Janan ayaa la sheegey inuu u guureen Magaalada Ceel qaalow ee dalka kenya lamana oga inay uga sii gudbayaan dhinaca magaalada Dhoobley.

Sababta ay uga guureen xeradii ay ka daganaayeen magaalada Mandera ayaa lagu sheegay inay tahay iyadoola filaayo wafti kasocda IGAD oo kusoo wajahan Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandera.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.