Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti Kaga Qeyb Galaya Shirka IGAD

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Diblumaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee safarka Madaxweynaha ku wehelinaya waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq  Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.