Dhageyso:Wasiir Janan oo sheegay inay kenya Walalo Yihiin

Janan

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) ayaa beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo Baanyooley oo ah xudduudda Kenya iyo Soomaaliya isla markaana aysan waxba ka quseyn go’aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya.

Hadalka Janan ayaa yimid saacado uun kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhiggeeda Kenya ku eedeysay in abaabul milatari ay maalmahan ka waddo aagga Mandera, iyada oo adeegsanayso Cabdirashiid Janan.

Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.

wasiir Janan oo u waramaayey Idaacada BBC qaybta Soomaliga Hoos ka dhageyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.