Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta salaan sharafeed ugu tagay hoygooda magaalada Garoowe Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah isimmada Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isimmada uga mahadceliyay kuna dhiirrigaliyay kaalintooda dhowrista dhaqanka, nabadeynta iyo isku haynta bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha Rooble ayaa Maanta magaalada Garowe kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan.
Leave a Reply