Turkiga iyo Soomaaliya oo kawada hadlay Xoojinta Xirirka labada dal

turky

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa uu ku leeyahay Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal, waxaa kale oo ay isla fallanqeeyeen arrimihii ugu dambeeyay xaaladaha gobolka iyo dunida.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.