Daawo:Taliyaha Ciidan Dhulka oo sheegay inay shacabka ka dulqaadayaan Dhibaatada Shababka

dhoore

Hawgal qorshaysan oo uu hogaaminaayo taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Ciidanka xooga dalka waxay ku sameeyeen deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose waxayna kusoo qabteen horjoogayaal ka tirsan shabaab iyagoo Burburiyeen Goob maxkamad u ahayd Shabaab.

Madaxwayne Deni oo la hadlayay bulshadaani kala duwan ayaa ku dheeraaday ka hadlida sababta keentay sare ukaca shilin soomaaliga iyo sicir bararka wada jira eeda ugu wayn ee arintaasina dusha u saaray ganacsatada waawayn ee wax soo dajiya ama dhoofiya oo uu sheegay inay yihiin kaliya faa’iido doon aan marnaba eegayn danta bulshada iyo danyarta midna.

Madaxwaynaha puntland ayaa qeexay sababta ay dowladdu u joojisay lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee ay ku qaadi jirtay canshuurta dekada boosaaso kuna tilmaamay inay tallabadaasi u qaadeen si loo yareeyo sicir bararka suuqyada puntlandna ay noqdaan kuwa isu dheeli tiran.

Madaxweyne Deni ayaa gabagabadii fariin adag u diray ganacsatada puntland gaar ahaan kuwa boosaaso sidoo kalana dowladaha hoose ee puntland ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cidii ka hor timaada amarada maamulka ee lagu xakamaynayo sicir bararka iyo qaadashada shilin soomaaliga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.