Kenya oo Ka Hadashay Go’aankii Dowladda Soomaaliya Kasoo Baxay

uhuru

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay go’aankii Xalay Dowladda Soomaaliya dalkeeda kaga ceyrisay safiirkii Kenya Safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho Lucas Tumbo, isla markaana u yeeratay Safiirkeeda joogay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Soomaaliya ay ka xumaadeen.

Waxa uu sheegay in labadda dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay kawada hadli doonaan go’aanka lagu ceyriyay Safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho Lucas Tumbo, tarsana loogu yeeray.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda FS ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.