Daawo:Xildhibaanadii Puntland oo isku feeray Xaruntoodii

puntland
Kulan ay lahaayeen Barlamaanka Puntland ayaa maanta buuq iyo gacan ka hadal ku soo dhamaaday ka dib markii ay golaha hakad geliyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kuwaa oo gudoonka ka dalbaday inay gaar u wada hadlaan ka hor fadhiga maanta.

Fadhiga maanta ee Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa u balansanaa la xisaabta ka xukuumadda waxaana loo yeeray Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah C/qafaar Cilmi Xaange, balse inta aysan bilaaban suaalo weydiinta wasiirka ayaa waxaa golaha xildhibaano ka tirsan waxay soo jeediyeen in saxaafada banaanka loo saaro golahana gaar u wada hadlo taas oo sida ay sheegeen uu diiday Gudoonka Baarlamaanka.

War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Facebook ga ee Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in fadhigii maanta la hakiyay ka dib markii 5 xildhibaan ay is hortaageen shaqada Golaha.

Geesta kala xildhibaanada maanta Buuqa baarlaamka sababta u ahaa ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe waxayna ka hadleen xaalada maanta iyo sida wax u dhaceen waxayna Gudoomiye C/rashiid Yusuf Jibriil ku eedeeyeen inuu golaha u afduuban yahay islamarkaasina saaka uu ciidamadiisa ilaalada u ah u adeegsaday inay golaha soo galaan si ay u gacanqaadaan Xildhibaanada.

Tirada xildhibaanadda shirka ku qabtay Garoowe ayaa ka badnaa 5 xildhibaan waxaana ay dhamaantood ka sinaayeen eeda ay u jeedinayaan gudoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaan faahfaahinin dalabkii ay buuqa u sameeyeen markii hore balse waxay ka digeen in fargelin ciidan loo adeegsado Xildhibaanada waxayna Madaxweynaha iyo Xukuumada u direen in amaanka Golaha ay wax ka qabtaan.

Eedeynta xildhibaanadan ee Gudoomiyaha ayaa timid xilli dhawaan ay Xildhibaanadu aqbaleen in laga noqdo ajandaha qodobkii Heshiiska P&O ee Dekada Boosaaso kaas oo horey golaha ugu jirtay ajandihiisa.

ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka Puntland oo ku aadan eedeynta Xildhibaanada u jeediyeen waxaana la ogeyn in beri uu sii socon doono fadhiga Baarlamaanka maadama weli xildhibaadan ay qabaan.

Xigasho Sbc

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.