Hogaamiyaha ku meel gaarka ah Jubbaland oo Kismaayo kusoo noqday

Axmedmadoobe

Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar caafimaad oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka Kenya.

Axmed madoobe oo Warbaahinta kula hadley aqalka Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii xaley ay argagixisadu ku laayeen magaalada Muqdisho iyo AHU Marxuum Cabduullaahi Shigshigow oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland kaas oo ay maalmo ka hor argagixisadu ku dileen magaalada Kismaayo.

Tacsida kadib ayuu Madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaadadeed ee Dalka, Xaaladda gobolka Gedo iyo Cabashada Musharaxiinta Madaxtinimada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.