Sawiro:Rooble oo kulan la qaatay odayaasha Konfurgalbeed

Rooble

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koofur GalbeedRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudne Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa odayaasha dhaqanka uga warramay ujeeddada socdaalkiisa Koofur Galbeed, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka argagixisada iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.