Ciidamada Itoobiya oo la wareegay Adigrat oo u jirta 2 Saac oo gaari ah Xarunta Tikrayda

itoobiyamekele

Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ku sii durkayaan gobolka woqooyi ee Tirgay oo ay magaalada Adigrat ka qabsadeen xoogaga u daacad ah xukuumadda Tikreyda.

Magaalada Adigrat ayaa waxay 117KM u jirta xarunta Tigrayda ee Mekele, Dhanka Maamulka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaaladaas laakiin faahfaahin intaa dheer may bixin.

Madaama oo telefoonnadii iyo internet-kiiba go’an yihiin way adagtahay in la xaqiijiyo wararkaas, Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo dirayo waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.