Farriinta Madaxweynaha ee Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

farmaajo

Farriinta Madaxweynaha Ee Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

Nofeembar 21, 2020;

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee Qiimaha Badan,,

Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu,

Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed iyo sharafka dalka.

Bareyaasha Soomaaliyeed waxa ay door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho.

Dalkeennu maanta waxa uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhanka dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada ah, iyada oo la hirgeliyey Manhaj Qaran oo mideysan, kana turjumaya baahiyaha garasho iyo aqooneed ee carruurta Soomaaliyeed.

Dowladdu waxa ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya.

Dhammaan arrimahani waxa ay muujinayaan Qorshaheenna Qaran ee ku qotoma diyaarinta jiil aasaas u noqda Soomaaliya horumarsan oo la jaanqaadda dalalka kale ee Caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.