Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa yiri, “Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan maamulka gobolka Banaadir waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yusuf Ahmed Hagar (Dabageed) oo ay maanta doorteen Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale yiri, “maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho waxa ay diyaar u yihiin xoojinta Wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle in uu ilaahey u fududeeyo mas’uuliyada culus ee loo doortay.
Leave a Reply