Sawiro:Xildhibaanada Hirshabeele oo ansixiyay Gudiga doorashada Madaxwaynaha

hirshabeele

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaay ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakim luqmaan Xaaji Muxumed , ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Kulanka oo ay soo xaadireen 74 xildhibaan ayaa waxaa oggolaatay 71, laba mudane ayaa diiday halka midkale uu ka aamusay, waxaana sidaasi ansax ku noqday Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa waxaa horyaalla jadwaleynta doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, waxaana la filaa iney ku dhawaaqaan jadwalka doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.