Daawo:Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

wasiir

Wafdi uu hogaaaminayo Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Goboka Baay, waxaana wafdiga garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soodhaweyay, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha  iyo Mas’uuliyiin kale.

Muumino Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka oo qeyb ka ahayd wafdiga Wasiirka ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey caasimadda KMG ee dawlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro geedi socodka qabya-tirka Dastuurka, magaaladana ay ku qaban doonaan wadatashiyo la xiriira hawlaha dhammaystirka Dastuurka dalka.

Wafdiga ayaa la kulmi doona madaxda dawlad goboleedka Koofur Galbeed iyo bulshada si ay talooyin ugu biiriyaan geedi socodka dhammaystirka Dastuurka oo sanooyin soo socday.

1 Comment

  1. Hhhhh Somali siyaasad xuma maxa ka Galay Wasiirka Dastuurka
    Inu tago Badhabo
    Ee Qayb kamida Dastuurka Baydhabo ku Xaniman

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.