Dablay Hubaysan oo labo qof ku dishay Caabudwaaq

Caabudwaaq
Caabudwaaq

Dablay hubaysan ayaa Saaka barqanimadii Gudaha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ku dishay Labo nin oo Magacyadooda kala Yihiin Cabul Diiriye Shaaciye iyo Shiine gurxan.

Dablayda oo watay gaari ayaa ayaa markii dilka fuliyeen goobta iskaga cararay lagumana guulaysan in lagu qabto goobta dilka ka gaysteen.

Amaanka magaalada Caabudwaaq ayaa ahaa labadii sano ee lasoo dhaafay mid aad u wanaagsan, Odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa ki amray laamaha amaanka in ay soo qabtaan dablaydii gaysatay dilka lagana dabo tago meel walba oo ay tagaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.