Sawiro+Video:kulan looga hadlaayo caruurta u dhimanaya daawada xad dhaafka ah oo Ohio ka dhacay

dhalinusa

Kulan looga hadlayay dhalinyarada isticmaasha daawada xad dhaafka ah (Overdose) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio Manta, waxaana soo abaabulay qaar kamid ah waalidiinta magaalada gaar ahaan Ramlo Jama oo ah Hooyo Caruur  koox ah ugu dhalatay Mareykanka isla markaana ka damqatay dhibaatada haysata dhalinyarada.

usasomali

Bishii la soo dhaafay oo kaliya sadex dhalinyaro Soomaali ah ayaa u dhimatay isticmaalka daawadaa xad fhaafka ah halka kuwo kale ay la ildaranyihiin dhibaatada ka soo gaartay.

Inakasta oo lagu jiro xili adag oo dadku ka wal walsanyihiin Coronavirus, hadana kulankan waxaa qeyb ka ahaa waalidiin haween u baddan iyo dhalinyaro, waxaa dhankooda ka qeyb qaadanayay xubno ka socday Hay’adaha caafiaadka Columbus Ohio.


Waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin xanuun baddan iyo Taariikho mugdi galiyay qoysas badan oo xubno qoysaskooda ka tirsanaa ay ku waayeen isticmaalka Overdoseka. 

Dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha waxaa qeybta ugu daran hogaamiya is fahmi waaga dhaqanka ee waalidiinta iyo Ubadkooda, mahan wax sahlan in waalid Soomaaliyeed uu soo dhaweysto Wiilkiisa Ama Gabadhiisa oo isticmaashay Daroogo waana sababaha sii fogeeya Ilmaha.


Waaxda caafimaadka ayaa Tibaaxday in dhalinyarada u dhexeeysa 16 ilaa 24 gabi ahaan dalka Mareykanka ay halis ugu jiraan isticmaalka daawada xad dhaafka ah, waana cabsi la soo daristay qoys walba.


Muhiimada kulanka ayaa ahaa waalidiinta gaar ahaan Hooyooyinka iyo Ilmaha in laga dhex abuuro is faham sababi kara in ilmaha aysan sii fogaan oo hadii qalad lagu arko la soo dhaweeyo si dagan oo naxariis ku jirtana looga saaro, waana mid ku adag waalidiinta Soomaalida oo dhaqan ahaan Canaan iyo qeylo Ilmaha ku wajaha waana horseedka in ilmuhu guryahooda ka yaacaan una galaan kuwo aan ka naxayn.
Kulmada Noocan ah ayaa lagu balamay in la sii wado tan iyo inta xal laga gaarayo.

usasomali


Deeeqo Shire (SONNA)Columbus Ohio

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.