Sawiro:Taliyaha Boliiska oo Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug

boliis

Wafdi uu hogaaminayoTaliyaha ciidanka booliska Soomaaliya jeneraal Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka  Galmudug waxaana xafiiskiisa ku soo dhaweeyay madaxweyne  Axmed Cabdi Kaariye (qoor-qoor).

Taliye Xijaar  ayaa safarka ujeedkiisu waxa uu ahaa kormeerka xaruumaha ciidanka booliska, waxaana uu booqan doonaa dhaaman xaruumaha ciidanka booliska ay ku leeyahiin maamulka Galmudug.

jeneraal Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa dhawaanadan waday dadaalo lagu hormarinayo ciidanka booliska waxa uuna booqanayay xaruumaha ciidanka booliska ee gobolada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.