Xubnaha Golaha deegaanka Gaalkacyo oo la doortay

cabdiwaayel

Doorashada xubnaha golaha deegaanka dagmada Gaalkacyo oo si rasmi ah loo daahfuray 12-ki bishaan ayaa waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Gaalkacyo.

Doorashada maanta oo aheyd mid ku dhacday qaab qarsoodi ah ayaa lagu doortay 14 xubnood oo ku biiray 12 xubnood oo horay loo doortay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali ayaa sheekeeyay marxaladihii adkaa ee lasoo maray muddadii lagu guda jiray diyaarinta ergooyinka, wuxuuna sheegay 4 tii bilood ee uu socday diyaar garowga doorashada la muujiyay mas’uuliyad.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ayaa guul ku tilmaamay in la dhameystiro golaha deegaanka Gaalkacyo, isagoo xubnaha golaha u rajeeyay in mas’uuliyadda loo doortay si wanaagsan uga soo baxaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.