Ra’iisul wasaare Rooble oo Maanta Xilka la wareegay

Rooble

Munaasabad uu xilka kula wareegay Ra’isul wasaaraha cusub ee xukummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dhacday aqalka madaxtooyada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaana uu kala wareegay sii hayihii xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar).

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiwali Ibaraahim Sheekh Muudey iyo xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada diyaarinta xaflada xil wareejinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii 25 bishii agoosto ay golaha shacab ay kalsoonida kala laabteen xukumadda hore ee uu hogaaminayay ra’isulwasaarihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.